Home » Europe » Champions League » Sheeko Xiiso Badan Finalaha Champion-ka Waxaa Ka Qayb Qaadan Doona Xidigo Kasoo Kala Jeeda 12-Wadan!

Sheeko Xiiso Badan Finalaha Champion-ka Waxaa Ka Qayb Qaadan Doona Xidigo Kasoo Kala Jeeda 12-Wadan!


Finalaha Champion

Sabtiga dambe oo ay taariikhdka ku began tahay 6-bisha June waxaa garoonka Olmpia Stadim ee magaalada Berlin Finalaha Champions League ku cayaari doonaan kooxaha Barcelona iyo Juventus.

Hadaba labadan naadi wada jirkooda waxay caasimada dalka Jarmalka la tagi doonaan 50-cayaaryahan oo kasoo kala jeedaan 12-wadan.

Hadaba labadan koox mid walbo 25-cayaaryahan ayaa u diiwaan gashan tartankan waxaayna UEFA soo bandhigtay xidigaha Juventus iyo Barcelona u diwaan gashay iyo dalalka ay kasoo kala jeedaan.

Hadaba 12-wadan oo ay xidigahan kasoo kala jeedaan ayaa la sheegay in sedex qaarad ay kala socdaan kuwaas oo kala ah Afrika, Yurub iyo Koonfur Ameerika.

Kooxda Juventus xidigaha u safan doonaan Finalaha Champion-ka waxay kasoo kala jeedaan 8-wadan oo kala ah:

14-cayaaryahan: Italy

3-cayaaryahan: France

2-cayaaryahan: Argentina, Spain

1-cayaaryahan: Brazil, Chile, Switzerland, Uruguay

Kooxda Barcelona xidigaha Finalaha Champion-ka u safan doonaan waxay kasoo kala jeedaan 10-dal oo kala ah:

11-cayaaryahan: Spain

4-cayaaryahan: Brazil

2-cayaaryahan: Argentina, Croatia

1-cayaaryahan: Belgium, Chile, Germany, France, Senegal, Uruguay

Guud ahaan dalka Italy ayay ka socdaan xidigaha ugu badan ee Finalaha safan doonaan waxaana kusoo xigaan dalalka hoos ka muuqdaan:

14–cayaaryahan: Italy

13-cayaaryahan: Spain

5: Brazil

4-cayaaryahan: Argentina, France

2-cayaaryahan: Uruguay, Chile, Croatia

1-cayaaryahan: Belgium, Germany, Senegal, Switzerland

Ugu dambeyntii 12-dal xidigaha ka socdaan ee Finalaha Champion-ka ka qayb qaadan doonaan 6-dal oo ka mid ah xidigahooda labada naadi ayay kasoo wada muuqaan doonaan waxayna kala yihiin:

Spain: 2 Juventus, 11 Barcelona

Brazil: 1 Juventus, 4 Barcelona

France: 3 Juventus, 1 Barcelona

Argentina: 2 Juventus, 2 Barcelona

Chile: 1 Juventus, 1 Barcelona

Uruguay: 1 Juventus, 1 Barcelona

 

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>