Tababaraha Manchester United David Moyes ayaa u dhaw in seefta la mariyo kadib markii kooxda Red Devils ay la kulantay guuldaradii 11-aad xili ciyaareedkaan kadib markii 2-0 lagu suldaaray kulan ka dhacay Goodison Park xalay.
David Moyes ayaa ka hortagay kooxdiisii hore taas oo ceyrsaneysa booska afaraad ee horyaalka waxaana ay United soo bandhigtay bandhigii ugu xumaa xili ciyaareedka markii ay tababar u heli weysay iney iska caabin ku sameyso weerarka Everton.
Sidoo kale David Moyes ayaa ku adkeysanaya in Danny Welbeck oo dalab ka helay Tottenham uu kusii haayo Old Trafford.
Jamaahiirta Manchester United ayaan ku qancin qaab ciyaareedkii ay kooxda soo bandhigtay kulankii Everton iyagoo durba codsaday in la diro David Moyes isla markaana lagu dhaqsado badalkiisa, si kooxda aysan kaga harin dhamaan tartamada yurub madama afar kulan ay u harsan tahay.
Man United ayaa sabtiga fooda dari doonta Norwich oo ka ordeysa u laabashada heerka labaad waana xaalad kale oo halis ah balse shaqada Moyes ayaa meel qar ah saaran iyadoo laga yaabo in laga ceyriyo garoonka Old Trafford.
Dhanka kale David Moyes ayaa ka codsaday Jamaahiirta kooxda iney is adkeeyaan isla markaana kooxda ay xili ciyaaredka soo aadan wax badan ka badalnaan doonto xagaagan.