Kulanka Ugu weyn dunida kubada cagta gaar ahaan qaarada yurub ayaa caawa ka dhici doona magaalada Lisbon garoonka Stadia Da Luiz waana marka ay iska hor imaadaan kooxaha Real Madrid iyo Atletico Madrid.
Los Rojiblancos ayaa ku guuleysatay horyaalka Spain markii ugu horeysay tan iyo 1996 iyado sadex dhibcood oo nadiif ah kaga qaaday kooxda Barcelona oo kusoo xigtay, inkastoo Madrid ay ku dhibco noqotay Real hadana sadexaad ayey iska gashay.
Diego Costa ayaa muujiyay sida uu diyaarka u yahay, halka Ronaldo, Bale & Benzema ay isku diyaarinayaan iney ka hor tagaan Diego Simeone balse Pepe ayaa shaki la galinayaa.
Waxaa lasoo calaameeyay shan waxyaabood oo ay isaga badin karaan labadaan kooxood:
Qaswadaha aan cabsida aqoon ee u dhashay dalka Spain Juanfran ayaa wajahi doona xidiga Aduunka Cristiano Ronaldo kaas oo jooga gurigii uu ku dhashay isla markaana maanka ku haya inuu noqdo halyeyga Real Madrid sidoo kalana ku rajo weyn inuu sii dheereysto rikoork gooldhalinta ee Champions League.
29-jirka reer Portugal ayaana qeyb weyn ka qaadan kara guusha Real Madrid inkastoo Juanfran uu isna doorkiisa leeyahay.
Xidiga ugu qaalisan Dunida Gareth Bale ayaa wajahaya daafaca asal Turkiga ah ee qaatay dhalashada dalka Brazil Filipe Luis waxaana labadaan xidig ay fure kale oo muhiim ah.
Jamaahiir ayaa u sacab tumaya labadaba waxaana kooxdiisa qatar ka badbaadin kara midkii ka awood roonaada midka kale.
Hadii Diego Costa uu seego kulankaan Raul Garcia oo ah qaraarlow reer Spain ah ayaa wajahi doona wiilka Karateega ku dheereya ee ah kabtanka labaad ee kooxda Sergio Ramos kaas oo aan caadi aheyn.
David Villa looma badinayo in uu kusoo bilawdo hadii Costa uu noqdo mid aan safan kulankaan. Raul Garcia ayaana wajahi doona Daafaca Los Blancos Sergio Ramos.
Gabi Fernandez waa kabtanka kooxda Atletico Madrid waana fure ka mid ah furayaasha ugu muhiimsan kooxda wuxuuna caawa wajahi doonaa wiilka aan kubada laga qaadi karin ee Luka Modric.
28-jirka reer Croatia ayaa weynaya cudud weyn markii Xabi Alonso uu ganaax ku maqan yahay Assier ayaana la ciyaari doona waana inuu isi saaraa xil weyn.
Inkastoo aysan aheyn isku da’ iyo isku qibrad, hadana Diego Simeone wuxuu aduunyada tusay in tababare mar dhaw kusoo biiray uu garaaco mid horay u jiray markii uu Tata Martino iyo Jose Mourinho kasoo talaabsaday layaabna ma noqon doonto inuu Ancelotti ka talabasado.
Macalinka reer talyaani ee Real Madrid leyliya labadii jeer ee ka horeysay finalkaan oo uu soo istaago kama dambeysta tartankaan hal ayuu qaday midna waa laga qaaday.
Caawa waa qeyb kale oo muhiim ah waxaana macquul ah in lagu kala guuleysto xirfadaha iyo maskaxda labadaan macalin.