Jariirada Faransiiska kasoo baxda ee L’Equipe ayaa fahantay in As Roma ay xaqiijisay saxiixa kubad sameeyaha reer Mali Seydou Keita kaas oo ka tirsanaa kooxda Valencia ee dalka Spain.
34-jirkaan ayaa heshiis hal sano ah la galay kooxda caasimada talyaaniga ka dhisan wuxuuna ku imaanayaa heshiis xor ah madama uu dhamaaday qandaraaska uu kula jiray kooxda Mastella ku ciyaarta.
Tababaraha Roma Rudi Garcia ayaa isku diyaarinaya inuu u dagaalamo tartanka Champions League xili ciyaareedka soo aadan wuxuuna dalab u diray xidigaan reer Mali oo ay durbaba soo qaateen.
Valencia ayaa heshiis cusub oo laba sano ah usoo bandhigtay balse Keita ayaa doortay inuu aado horyaalka talyaaniga.
Seydou Keita wuxuu Barcelona kula guulesytay laba Champions League sanadihii 2009 & 2011 wuxuuna xili ciayareedkaan ku guuldareystay inuu koob la qaado Valencia.