Daafaca ugu wanaagsan kooxda Real Madrid iyo xulka Spain Sergio Ramos ayaa ka dhawaajiyay in lasoo gaaray xiliii riyadiisa qalbiga ugu duugneed ay u rumoobi laheed madaama xidig koob walbo oo caalamka laga cayaaro uu gacanta ku dhigay heer naadi iyo mid qaran hadana Ramos wuxuu sanado badan ku guul dareestay hanashada koobka horyaalada Yurub hadaba daafacan awooda badan oo ka hadlaayo rajada uu ka qabo inuu ugu dambeyntii Champion-ka gacanta ku dhigo wuxuu yiri “waxaan isku arkaa inaan ahay cayaaryahan nasiib badan madaama aan koob walbo ku guuleestay balse sanado badan ayaan u hanqal taagayay Champion-ka waana tartanka kaliya ee ka dhiman CV-geyga aadka u qiimaha badan dabcan si aan koobkan u qaado wax walbo ayaan sameyn doonaa!”
Kabtanka labaad ee kooxda Rea Madrid ayaa qirtay in caawo shaqo culus ay hortaalo kooxdiisa sidoo kalena looga baahan yahay inay dadaal 100% ah la imaadaan kulanka ay Bayern garoonkeeda kula cayaari doonaan wuxuuna yiri “natiijada aan todobaadkii hore helnay waa mid aad u wanaagsan sidaa darteed 90-daqiiqo oo aan si wanaagsan u cayaarno ayaa naga xigto inaan u gudubno kama dambeesta koobka horyaalada Yurub dabcan kaligey riyadaas ma qabo ee dhamaan taageerayaasha Madrid ayaa ila qabaan waxaana rajeynaa in caaawo ay si wadajir ah inoogu rumoobi doonto” ugu dambeyntii Ramos ayaa amaan balaaran usoo jeediyay kooxda Bayern Munich oo ay caawo ka hortagi doonaan wuxuuna ku tilmaamay naadiga aduunka ugu wanaagsan sidoo kalena sanad walbo tartamada Yurub meel wanaagsan kasoo gaarto.