Home » Horyaalada » La Liga Spain » Sergio Ramos Oo Sii Huriyay Arinka Ku Biiritaanka Man United Madaama Uu Bilaabay Barashada Luqada Ingiriiska

Sergio Ramos Oo Sii Huriyay Arinka Ku Biiritaanka Man United Madaama Uu Bilaabay Barashada Luqada Ingiriiska


<> at Marrakech Stadium on December 20, 2014 in Marrakech, Morocco.

Wararka laga helaayo dalka Spian ayaa sheegayo in Sergio Ramos uu haatan bilaabay barashada luqada Ingiriiska wuxuuna isku diyaarinaa inuu xagaagan kooxda Man United usoo dhaqaaqo.

Wargeska Independent Sport ayaa soo xigtay ilo la isku haleen karo oo sheegayo in Ramos uu haatan fasal xaadiro sidoo kalena si deg deg ah ku baranaayo waxyaabaha asaasiga ah u ah in qofka uu xiriir ku sameyn karo asigoo ku hadlaayo luqada Ingiriiska.

Daafacan awooda badan waxay is fahmi waayeen kooxdiisa Real Madrid madaama uu ku qanci waayay qorshe qandaraas kordhin ah.

Ramos qandaraaska uu Real Madrid kula joogo waxaa ka harsan 2-sano balse si rasmi ah ayuu kooxdiisa uga dalbaday in la iska fasaxo.

Sidaa darteed halka uu u dhaqaaqi doono waxaa afka lagu hayaa inay noqon doonto garoonka Old Trafford madaama ay Man United u balan qaaday mushaaraadka uu ku taamayo inuu ku shaqeeyo.

Ramos sanadii 2005 ayuu kooxda Real Madrid kaga soo biiray naadiga Sevilla wuxuuna kula guuleestay koobab fara badan balse haatan kooxdiisa xiriirka kale dhaxeeyo meel hoos ayuu taagan yahay.

Xaalada uu xidigan ku sugan yahay waxaa diyaar u ah kooxda Man United inay ka faa’iideesato xagaagan lana gaarto heshiis rasmi ah inta uu suuqa Yurub furan yahay.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>