Home » Horyaalada » La liga » Sergio Ramos Oo An ku Riyoonayn In Uu Ku Gulaysto Ballon d’Or Sanadkan?

Sergio Ramos Oo An ku Riyoonayn In Uu Ku Gulaysto Ballon d’Or Sanadkan?


Ramos

Paul Clement oo ah tababaraha labaad ee kooxda Real Madrid dhawaan afka ayuu furtay wuxuuna meel fagaaro ah ka dhahay “Sergio Ramos waa cayaaryahanka Madrid ugu muhiimsan sidoo kalen isaga ayaa Champion-ka inoo qaaday!!” dabcan goobtaan Cristiano Ronaldo xitaa goob joog ayuu u ahaa, daafaca reer Spain xili cayaareedkan dadaal aan laga fileyn ayuu lasoo baxay sidoo kalena goolal muhiim ah ayuu kooxdiisa u dhaliyay gaar ahaan labadii gool ee Bayern Munich iyo goolki Atletico Madrid ayaa sabab u ahaayeen inay Madrid hanato La Decima waxaa intaas usii dheer 190-kubadood ee uu madaxa ku raadiyay qaab weerar iyo qaab difaac 131-ka mid a ayuu madaxa la helay! waxaa intaas sii dheer in 32-kulan oo uu La Ligaha cayaaray inuu 59-kubadood oo halis ah kooxdiisa ka bad baadiyay!

Hadaba dadaalaa wuu gaaraa 28-jirkan madaama uu koob walbo oo heer caalami ah ku guuleestay dhamaadka sanadkan ma hadan karaa abaal marinta Ballon d’Or waxaa ka hadlay kabtankii hore ee Real Madrid Manolo Sanchis wuxuuna yiri “marwalbo waxaan dhihi jiray oo aan aatan leeyahay waa daafaca ugu wanaagsan ee dhawaanahan kubada cagta soo maray, madaama sanadkan dadaal lala yaabay uu sameeyay waxaan oran karaa abaal marinta Ballon d’Or wuu ku guuleesan karaa waayo weeraryahan kaliya abaal marintan qaas uma ahan”

Inkastoo Ramos uu dadaalay xili cayaareedkan hadana waxaa lagu dhaliilay in anshaxiisa uusan wanaagsaneyn waayo 11-jeer ayaa calaamada hurdiga ah la siiyay halka labo jeer kaarka cas loo taagay balse daafacan waligiis kaarka cas looma taagin asigoo xiran maaliyada xulka Spain wuxuuna u saftay 115-kulan, hadaba Ramos ma hanan karaa abaal marinta Ballond’Or hadii uu dadaalkiisa sidaan kusii wado??

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close