Macalinka kooxda Barcelona Gerardo Tata Martino ayaa u magacaabay 20-cayaaryahan kulanka adag ee caawa kooxdiisa la cayaari doonto naadiga Sevilla waxaana xusid mudan in Barcelona ay dib ugu soo laabteen xidigaha kala ah Sergio Busquets iyo Dani Alves oo aan labadii todobaad ee ugu dambeesay kubada cayaarin sidoo kalena aanan u safanin xulalkooda Spain iyo Brazil madaama ay dhaawacyo kala duwan qabeen balse haatan si wanaagsan ayay usoo kabteen waxayna diyaar u yihiin kulankan xasaasiga ah inay ka qayb qaataan, balse macalin Tata ayaa kulanka ka reebay xidiga Pedro weliba laacibkan haatan ka mid ah xidigaha ugu wanaagsan Barcelona ayaa nasiino loo qoray wuxuuna tababare Tata doonayaa inuu Pedro nasto madaama uu dhawaanahay kulamo isdaba joog ah cayaarayay waxaana la filaa in Pedro uu arbacada Barcelona kulanka Champion-ka oo ay la cayaari doonto naadiga Ajax kasoo muuqdo asigoo caaboon.
Madaama Xavi iyo Alex Sanchez tababare Tata uu nasiyay kulankii Barcelona 3-2 guusha kaga qaadatay naadiga Valencia labadan xidigan ayaa haatan kulanka caawa Sevilla ka qayb qaadan doonaan balse kabtan Carlos Puyol ayaan weli si wanaagsan usoo kabanin sidaa darteed kulanka caawa kama qayb qaadan doono guud ahaan waa kuwaan tababare Tata 20-cayaaryahan ee uu kulanka Sevilla u magacaabay: Valdés, Montoya, Piqué, Fàbregas, Xavi, Iniesta, Alexis, Messi, Neymar, Dos Santos, Pinto, Mascherano, Bartra, Sergio, Song, Jordi Alba, Tello, Adriano, Dani Alves, Sergi Roberto.