Home » Maxaa Cusub » Sepp Blatter Oo Dhaleeceeyay Go’aankii Qatar Loogu Doortay Martigalinta Koobka Aduunka 2022

Sepp Blatter Oo Dhaleeceeyay Go’aankii Qatar Loogu Doortay Martigalinta Koobka Aduunka 2022


Blatter

Madaxweynaha FIFA Sepp Blatter ayaa kasoo muuqday television laga leeyahay wadanka Switzlerland isagoo dhaleeceeyay in Wadanka Qadar loo doorto martigalinta koobka Aduunka sanadka 2022-ka.

Blatter ayaa ku waramay in ay tahay markii ugu horeysay oo ay qalad gashay hay’adda uu madaxda ka yahay ee FIFA madama ay martigalinta koobka Aduunka 2022-ka u dooratay wadanka Qadar.

Heerka kulka dalka qadar ayaa xiliyada [Xagaayaha] gaara 50°C waxaana arintaas wax laga weydiiyay Blatter balse madaxweynaha ayaa qiray in arinku yahay qalad ay gashay hay’adiisa.

“Haa, Haa Dabcan” ayuu u sheegay Blatter TV-ga RTS.

“Waad ogtahay, qof walba wuxuu sameeyaa qalad inta uu nool yahay”

Arintaan ayaa sare u qaadeysa walwalka ay Qadar ka qabto in laga wareejiyo martigalinta koobka Aduunka ee wadankaas lagu qaban doono 8-sano kadib, Australia, USA, Japan & Korea ayaana diyaar u ah iney martigaliyaan.

Qoraaga Daily Mirror Nigel Thampson oo booqday Qatar ayaa amaanay hawada halkaas marka la joogo xiliga Jiilaalka wuxuuna qiray in hawada Jiilaalka ee Qatar ay u wacan tahay sida hawada UK ay u wacan tahay xiliga Xagaayaha, taasoo ka dhigan in hawada Xagaayaha ee Qatar aysan wanaagsaneen.

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close