Kooxda AS Monaco bilawgii xili cayareedkan lacago xoog leh ayaa la galiyay waxaana tababare Claudio Reniere laga filaayay inuu kooxdan u qaado horyaalka France balse midaas uma suura galin waxayna kooxdan ku dhameesatay kaalinta 2-aad sidaa darteed hantiilayaasha kooxdan ayaa go’aansadeen inay macalinkan waaya araga ah xilka ka xayuubiyaan madaama Monaco xili cayaareedka dambe ay koobka horyaalad Yurub ka qayb qaadan doonto sidoo kalena lacago xoog leh kooxdan mar labaad la galin doono waxay madaxda kooxdan ku dhawaaqeen in tababare cusub oo tayo wanaagsan in hogaanka Monaco loo dhiibi doono ilaa haatana jagadaan qiimaha badan sedex macalin oo u dhalatay dalka Talyaaniga ayaa isku soo sharaxeen waxayna kala yihiin Max Allegri, Luciano Spalletti iyo Roberto Mancini.
Milkiilaha naadiga Monaco Dmitri Rybolovlev oo u dhashay dalka Russia sidoo kalena ah bilyoneer ayaa aad uga careesay in kooxda ay xifaaltamaan PSG uu xili cayaareedkan iska dhicin waayay sidaa darteed Mancini, Spaletti iyo Allegri si sahlan xulka Monaco ma kula wareegi doonaan waxaana lagu xiri doonaa shuruud culus oo ah inay Ligue France xili cayaareedka dambe qaadaan sidoo kalena naadigan meel wanaagsan ay soo gaarsiiyaan koobka horyaalada Yurub, sedexdan macalin waaya aragnuimo ku filan ayay leeyihiin madaama ay kooxahooda horyaalo usoo qaadeen balse ma jiro macalin ka mid ah oo Champion-ka meel wanaagsan ka gaaray, macalin Allegri Milan ayuu Serie A-da u qaaday halka Spaletti uu isagana naadiga Zenit horyaalka Russia u qaaday ka hor inta uusan kooxdan isaga tagin sidoo kalena Mancini isagana Man City ayuu Premiership-ka u qaaday sidaa darteed lama sheegi karo macalinka Monaco qaban doono xagaagan.