Home » Latin America » Sedex Ka Mid Ah Taageerayaasha Costa Rica Oo Toorey Lala Dhacay Kadib Guuldaradii Koobka Aduunka (+Sawiro)

Sedex Ka Mid Ah Taageerayaasha Costa Rica Oo Toorey Lala Dhacay Kadib Guuldaradii Koobka Aduunka (+Sawiro)


Costa Rica

Kadib markii xulka Costa Rica gabi ahaanka koobka aduunka isaga hareen waxaa soo ifbaxday in caasimada dalkan San Jose ay ka dhaceen rabshado xoogan madaama xulkooda wareega 8-aad ku hareen, tageerayaal farabadan oo kulakan usoo daawasho tageen ayaa niyad jabeen kadib markii rigoorayaal 4-3 Holland ku reebtay, fagaaraha Dimuqraadiyada ee ku yaalo bartamaha San Jose laguna daawanaayay kulankan ayaa isku badalay goob fowdo iyo rabish ah waxaana la sheegay in 3-ka mid ah taageerayaasha xulka Costa Rica midi ama toorey lala dhacay.

A Costa Rican fan lies on the street after being stabbed

Wasiirka Amniga dalka Costa Rica ayaa xaqiijiyay mashaqada foosha xun wuxuuna sheegay in labo qof oo ragg ah tooree si xun loola dhacay weliba mid ka mid ah dhabarka ayaa si xun looga dhaawacay waxaana looga dhex tagay tooreyda oo dhabarka ka taagan!

A Costa Rican fan lies on the street after being stabbed

Booliska magaalada San Jose ayaa shaaca ka qaadeen in rabshadahan loo xir xiray 8-qofood sidoo kalena ay baaritaan wadaan sidoo kalena wax warbixin ah Booliska kama sheegin xaalada ay ku sugan yihiin sedex taageero ee sida xun tooreyda loola dhacay.


Close