Laacibka ugu waaya aragsan xulka Jarmalka Bastian Schweinsteiger lana filaayo inuu caawo xulkiisa khadka dhexe u agaasimo ayaa la sheegay inuu booqday xarun caafimaad si jilibkiisa loo eego tani waxay walaac xoogan ku abuurtay taageerayaasha xulka Jarmalka oo horey uga warqabeen in Bastian xili cayaareedkii dhawaan soo idlaaday inuusan kooxdiisa Bayern Munich kulamo badan u cayaarin madaama ay dhaaawacyo wareeriyeen hadaba xidigan inuu markale Isbitaal ku laabto maxay ka dhigan tahay weliba xili xulkiisa ay caawo Portugal wajihi doonaan, mid ka mid ah shaqaalada Sky Sports ayaa shaaca ka qaaday in Bastian diyaarad yar ama helicopter looga qaaday xarunta tababarka Jarmalka waxaana la geeyay Isbitaal ka dhow goobta ay ka dagan yihiin dalka Brazil.
Inkastoo bishii hore uu dhaawac dhanka jilibka ah kasoo gaaray hadana waxaa la sheegay in Schweinesteiger uu caafimaad qabo sidoo kalena uu kulanka caawo safan karo balse sababta Isbitaalka loogu qaaday ayaa ahayd in jilibkiisa baaritaan dheeri ah lagu sameeyo waayo xidigan waaya araga ah ceymis ayuu ku jiraa waxayna codsadeen masuuliyiinta shirkada uu Ceymiska kula jiro in xidigan baaritaan guud lagu sameeyo jilibkiisa midig ka hor kulanka Portugal si loo xaqiijyo inuu caafimaad qabo sidaa darteed shirkada uu Ceymiska kula jiro xidigan waxay dooneysaa inay xaaladiisa la socoto ayadoo k cabsi qabto hadii uu koobka aduunka ku dhaawacmo inay lacago badan uga baxdo daaweyntiisa!