Tababaraha kooxda Bayern Munich Pep Guardiola ayaa si rasmi ah shaaca uga qaaday in Bastian Schweinsteiger iyo Mario Mandzukic aysan ka qayb qaadan doonin Finala German Cup oo ay caawo Bayern Munich magaalada Berlin kula cayaari doonto kooxda B. Dortmund macalin Pep oo aad uga walaacsan maqnaan shaha labadan xidig ee muhiimka u ah Bayern ayaa yiri
“Schweinsteiger tababarka ma uusan nala qaadanin labadii maalmood ee ugu dambeesay madaama uu jug ka qabo dhanka jilibka waana ka xumahay in laacib waaya araga ah oo aan u baahneyn inuu kulankan adag naga maqnaado”
Xaalka Mandzukic ayaa ka duwan midka Schweinsteiger waayo weeraryahanka reer Croatia asigoo caafimaad qabo ayaan kulankan xiisaha badan laga reebay wuxuuna macalin Pep yiri “waan go’aan aan aniga qaatay Mario wuu caafimaad qabaa balse 18-ka cayaaryahan ee aan caawo u xushay inay Finalaha DFP Pokal cayaaraan kuma aanan darsanin!”.
Sidoo kale kulankan xiisaha badan waxaa Bayern ka maqnaan doono Thiago Alcantara oo isaga xaalkiisa sii xumaaday madaama dhaawaca uu dhanka jilibka ka qabay uu halis sii noqday sidaa darteed macalin Guardiola wuxuu ka hortagi doonaa naadiga Dortmund xili ay ka maqan yihiin labada xidig ee Bayern khadka dhexe ugu muhiimsan balse macalinkan ayaa isku kalsoon wuxuuna yiri “cayaartan waa mid Final waxaana doonayaa inaan ku guuleesto inkastoo xidigo muhiim ah ay naga maqan yihii hadana waxaan hubaa inaan koobkan hanan karno balse Dortmund marnaba lama dhayilsan karo halista nooga imaan karto dhankeeda”