Weeraryahanka Barcelona Alexis Sanchez ayaa la rajeynayaa inuu maanta tijaabo caafimaad u maro kooxda Gunners sida ay ku warantay Jariiradda Express oo ka mid ah jariiradaha ugu afka dheer gudaha Ingiriiska.
Gunners ayaa qarka u saaran iney hantiso xidiga Barcelona waxaana warbixintu ay intaas raacineysaa in Alexis uu 35 Malyan Oo Pound ugu wareegayo Arsenal.
Sida ay tilmaantay warbixin saakay waabarigii lagu qoray website-ka Barcelona, kooxda Bulgarana ayaa Arsenal kala heshiisay saxiixa xidigaan heerka caalami ee xulka Chile
Balse 25-jirkaan reer Latin America ayaan wali lasoo bandhigin waxaana ilo ku dhaw Arsenal ay xaqiijinayaan in lasoo bandhigi doono caawa markaas oo kooxda Gunners ay soo bandhigeyso Maaliyada cusub ee ay xili ciyaareedkaan ku ciyaari doonto oo ay sameysay shirkadda PUMA.
Jamaahiirta Arsenal ayaa maanta hadal hayay warbixinta lagu qoray webka Barcelona inkastoo markii dambe Barcelona ay ka saartay website-keeda warbixinta tilmaameysa iney Arsenal kala heshiisay Sanchez.
Ugu dambeyntiina Express waxey shaacisay in Alexis Sanchez caawa loosoo bandhigi doono Jamaahiirta Gunners kahorna uu caafimaad ku mari doono London.
Profile