Home » Europe » Europe League » Sawiro + Warbixin: Maxaad Ka Taqanaa Xidiga Uu Mourinho Doonayo Inuu Ku Badasho David Luiz

Sawiro + Warbixin: Maxaad Ka Taqanaa Xidiga Uu Mourinho Doonayo Inuu Ku Badasho David Luiz



Macalinka kaligii taliska ah ee Chelsea Jose Mourinho qayaa doonaya inuu kooxda kusoo biiriyo Kurt Zouma kadib markii Loo sheegay in David Luiz laga iibinayo kooxda Barcelona.

Hadaba Waa Kuma Kurt Zouma?

Waa Daafaca 19-jir ah kaas oo ka tirsan Naadiga Saint-Étienne tan iyo July 2009 markaas oo xidigaas ay da’diisa aheyd 15-jir. Haatan Wuxuu Ka tirsan yahay Xulka Faransiiska Ee Da’doodu ay ka hooseyso 19-jirada.
Kurt Zouma waa mid ka mid ah dhalinyarada ugu wanaagsan daafaca, balse xidigaan ayaa haatan maraya ganaax adag kadib markii uu Bishii November ee sanadkii 2013 Lugta ka jabiyay Kubad sameeyaha Kooxda reer France Sochaux Thomas Guerbert isagoo ku muteystay calaamadda Casaanka.

Wiilkaan inkastoo uusan gaarin heerka Mario Balotelli hadana waa wiil ka mid ah wiilasha ugu isbiiridka badan Horyaalka Faransiiska waana xidig adeegsada awoodiisa marka ay caradu ka tanbadato.

Jose Mourinho vs Kurt Zouma?

Iyadoo La ogyahay in Jose Mourinho uu yahay kaligii talis qaata go’aano u gaar ah hadana waxey is heli doonaan Kurt Zouma waxaana la arki doonaa wixii kasoo baxa inkastoo Mou uu mar walba yahay kan hogaanka u haya xidigaan.

Sidoo kale Waxaa la ogaaday in Mourinho uu il ka fahmay adeega xidigaha reer France ee da’yarta wuxuuna xusuus u galay inuu soo saaray wiilkii Real Madrid Raphael Varane.

SAWIRO QAAS U AH KURT ZOUMA

Taakalkii Halista Ahaa Oo Uu Ku Galay Thomas Guerbert

Kurt Zouma Oo Kaarka Cas Loo Taagay Kadib Markii uu lugtaka jabiyay homas Guerbert

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close