Portugal ayaa ka naxsaday wadamada ka qeyb galaya Koobka Aduunka kadib markii ay 5-1 ku qaarijiyeen xulka Ireland oo hoos yimaada boqoqtooyada Ingiriiska ciyaar ay Portugal dib u heshay hogaamiyahooda Cristiano Ronaldo.
Kulankii ugu dambeeyay saaxiibtinimo ayey ciyaareen Portugal waxeyna garoonka soo galeen ayagoo faraxsan oo soo dhaweeyay Ronaldo oo dhaawac mudo kaga maqnaa.
Hugo Almeida ayaa xalay laba gool ku tuurtay iyadoo Sadexda gool kale ay kala qeybsadeen Vieirinha, Conteroa, James McClean aaana gool iska dhaliyay oo ka tirsan Ireland.
Si Kastaba Wiilasha macalin Paulo Bento ayaa u duuli doona Brazil si ay kaga qeyb galaan koobka Aduunka iyagoo ku jira groupka G: Germany, USA & Ghana ayaana ku wehliya.
Ronaldo ayaa qeybta labaad ee ciyaarta la badalay Nani ayaana lagu badalay inkastoo uusan wax gool ah dhalin qeybtii hore ee ciyaarta
XAQIIQADA KULANKA:
PORTUGAL (4-3-3): R Patricio; R Amorim, R Costa, L Neto, F Coentrao; William, J Moutinho, R Meireles; Varela, H Almeida, Cristiano Ronaldo (capt).
Badalka:
Nani → Ronaldo; A Almeida → Meireles; H Postiga → H Almeida; Pepe → Neto (Dhamaan 65); Vieirinha for Varela (73); M Veloso for Amorim (81).
IRELAND (4-4-1-1): D Forde; S Kelly, R Keogh, A Pearce, S Ward; A McGeady, D Meyler, J Hendrick, J McLean; J Walters (capt), W Hoolahan.
Badalka:
R Keane → Hoolahan; S Long → Walters (Labadaba 63); S Quinn → Ward; A Pilkington → McLean (Labadaba 67); K Doyle → Kelly (75); S Cox → McGeady (75).