Neymar JR ayaa qarin waayay dareenkiisa markii uu arkay da’yar reer Brazil ah oo aan awoodin inuu ciyaaro kubada cagta balse isku day sameynaya xili ay xidigaha reer Brazil ku sugnaayeen xerada tababarka xulka.
Da’yarkaan ayaa xiran maaliyada Neymar ee xulka Brazil wuxuuna cuuryaan ka yahay gacan iyo lug waxaana uu ku socdaa gaariga cuuryaamiinta, balse David Luiz ayaa dhiirigalin u sameynaya kaas oo kubada usoo qabanaya waxaana da’yarkaan uu lugta iyo gacanta u fiyow kubada ku ciyaari doonaa.
Neymar JR ayaa is celin waayay wuxuuna muujiyay sida uu ugu xun yahay in hamiga wiilkaan yar uusan rumoobeynin.
xidiga Barcelona Neymar ayaana qarin waayay dareenkiisa isagoo ilmeeyay Inkastoo Oscar uu iska dhola cadeynayo. Thiago Silva ayaa sidoo kale isna dareen muujin doona.
DAAWO MUUQAALKA:
Kadib Daawashada Muuqaalka, Maxaa kaaga soo baxay, sideese u aragtaa Dareenka Neymar?