Uma badna iney dhacdo balse waxey noqotay sheeko xanuun iyo walwal galisay, balse waa muhiim inaad adigana ogaato xidig ka ciyaara horyaalka Indonesian Premier League ayaa geeriyooday ciyaar socota kadib markii laga galay qalad xun oo jirka intiisa kore looga dhuftay.
Akli Fairuz ayaa geeriyooday kaas oo ka tirsanaa kooxda Persiraja waxaana qalad ka galay goolhaye xili uu doonayay inuu ka faa’ideysto kubad goolhayaha uu iska soo tufay.
Goolhayaha qaladka galay oo geystay falkaan naxdinta leh waxaa la yiraahdaa Rahman.
Muuqaalka hoose si fiican u fiirso, hana ka caajisin waayo qeybta hore ee muuqaalka waxaad ku daawan doontaa qoyska ciyaariyahank
a dhintay oo ka murugeysan xaalada kuwaas oo ka hadlaya.
Balse qeybta ugu dambeysa ayaad ka arki doontaa qaladka laga galay.