Atletico Madrid yaa fursad laba afle ah heysata iyado barbardhac u baahan si ay ugu guuleysato horyaalka Spain markeedii ugu horeysay tan iyo 1996-dii markaas oo kooxda uu ciyaariyahan u ahaa Diego Simeone oo haatan tababare u ah kooxda.
Si Kastaba wiilashaan ayaa sidoo kale taagan Finalka tartanka horyaalada yurub ee Champions League balse waxey caawa ku dadaali doonaan iney gacanta ku dhigaan La Liga, Inkastoo ay marti u yihiin kooxda difaacaneysa tartanka oo u baahan iyana sadex dhibcood si ay u difaacato koobka.