Angel Di Maria ayaa dib ugu soo laabtay Manchester United kadib sadex kulan oo uu seegay madama uu dhaawac dhanka muruqa ah ku maqnaa wuxuuna diyaar u yahay inuu wajaho Aston Villa.
Saxiixa ugu qaalisan Manchester United kaas oo Real Madrid kaga yimid aduun dhan 59.7 Malyan Oo Pound ayaa qeyb ka noqon doona kulankaan Villa xili Louis Van Gaal uu doonayo inuu gaaro guushiisii 7-aad oo xiriir ah.
Sidoo kale Mail ayaa qirtay in Van Gaal uusan garoonka kula ordi doonin Di Maria ilaa uu muhiim u arko maahane, inkastoo Falcao la rajeynayo inuu markii ugu horeysay kusoo bilowdo kulankaas.