Wixii xalay ku dhacay Jerome Boateng waxey ahaayeen wax maad noqon kara markii daafacan asal Ghanes-ka ah ee qaatay dhalashada Jarmalka uu istaaga ka dhacay markii laga xariiftamay.
Messi goolkiisa labaad ayaa ah mid lagu tilmaamay mucjiso isagoo si qurux badan dhulka u dhigay Boateng ka hor inta uusan Menuel Neuer daba marsiin kubad aan caadi aheyn.
Si kastaba Jerome ayaa noqday maada maanta ee baraha ay bulshadu ku xariiraan ee twitter-ka, Instagram-ka iyo Facebook-ga intaba.
DAAWO SAWIRADA: