Los Blancos ayaa so gaartay Magaalada Lisbon iyadoo uu hogaaminayo wiilka wiilasha Cristiano Ronaldo kaas oo dalkiisa hooyo dib ugu soo laabanaya kaliya CR7 maahan ee Pepe iyo Conteroa ayaa dhulkooda hooyo soo gaaray kuwaas oo ka mid ah kooxda Real Madrid.
Wiilasha Ancelotti ayaa raadinaya koobkoodii 10-aad ee Champions League xili tababaraha reer talyaani uu raadinayo Champions League sadexaad isagoo tababare ah.
2 Champions League ayuu u qaaday Milan.
BBC ayaa taam u ah kulankaan kuwaas oo tababar buuxa qaatay ka hor safarkoodii Lisbon, waxeyna diyaar u yihiin iney wajahaan Atletico Madrid.