Home » Maxaa Cusub » Sawiro: Nemanja Vidic Oo Soo Gaaray Kooxda Inter Milan

Sawiro: Nemanja Vidic Oo Soo Gaaray Kooxda Inter Milan


Vidic1

Kabtankii hore kooxda Manchester United ayaa soo gaaray magaalada Milan gaar ahaan kooxda Inter Milan xili saacado qura ay ka harsan yihiin xiligii lasoo bandhigi lahaa saxiixiisa iyo shirkiisa jaraa’id ee ugu horeeya kooxda Narriazzuri.

Vidic ayaa si xor ah ugu soo biiray kooxda Inter Milan isagoo soo afjaray 8-sano oo uu joogay kooxda Manchester United, waxaana la filayaa inuu xili dheer joogo kooxda Inter.

Dhaawacyo ayaa hareeyay noloshiisa xiliyadii dambe ee Manchester United waxaana isku dhac ka dhex dhashay isaga iyo macalinkii shaqada laga ceyriyay David Moyes ay sababtay in ka hor suuqa kala iibsiga uu xidigaan heshiis la gaaro kooxda Inter Milan.

DAAWO SAWIRADA:

vidic6

vidic5

vidic4

 vidic2 vidic3

Close