Home » Maxaa Cusub » Sawiro + Muuqaal: Wiilkii Brazil U Badali Lahaa Neymar JR Oo Ku Dhaawacmay Tababarkii Maanta

Sawiro + Muuqaal: Wiilkii Brazil U Badali Lahaa Neymar JR Oo Ku Dhaawacmay Tababarkii Maanta


willian treinoselecao2 vip 95 Chelsea midfielder Willian picks up hip injury in Brazil training

Iyadoo Brazil ay la xanuunsaneyso dhaawaca hogaamiyahooda kooxda Barcelona Neymar JR kaas oo aan ka qeyb qaadan doonin kulamada Semi Finalka iyo Finalka ayaa hadana war xun usoo yeeray macalin Scolari kadib markii tababarkii maanta laga saaray Willian oo ka tirsan kooxda Chelsea kaas oo lagu waday inuu Neymar JR badal u noqdo kulanka Semi Finalka.

willian treinoselecao vip 95 Chelsea midfielder Willian picks up hip injury in Brazil training

Inkastoo aan sidaas looga hadlin dhaawaca xidigaan hadana waxaa halis ah inuu seego Kulanka Germany ay la yeelan doonaan ee Semi Finalka madama ay ka harsan tahay 48-saacadood.

Dhaawaca Willian ayaa walwal baahsan kusii abuuraya Jamaahiirta xulka Brazil kuwaas oo la xanuunsanayay dhaawac Neymar waxaana macquul ah in Rajada Brazil ee koobka Aduunka ay dhimato.

DAAWO MUUQAALKA:

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website

Close