Home » Maxaa Cusub » Sawiro: Manchester City Oo Gaartay Abu Dhabi Iyagoo Xiran Luqun Duub Isku Mid Ah

Sawiro: Manchester City Oo Gaartay Abu Dhabi Iyagoo Xiran Luqun Duub Isku Mid Ah


View image on Twitter

Kooxda ku guuleystay horyaalka Ingiriiska Manchester City ayaa gaartay Abu Dhabi maanta iyagoo fasax yar kusoo qaadanaya ka hor inta aysan kulan saaxiibtinimo la ciyaarin kooxda Al Ain.

Dhamaan Xidigaha Kooxda Ayaa Xiran Luqun Duub [Marooyinka Qoorta Lagu Xirto] kuwaas oo isku qaab ah waxaana ay sawirkaas soo dhigeen bogooda xiriirka Bulshada ee Twitter-ka.

Dhamaan Xidigaha Kooxda oo ay ka muuqato farxad dheeri ah ayaa soo gaaray Abu Dhabi.

View image on Twitter

Manchester City waxey Khamiista kulan saaxiibtinimo la ciyaari doontaa kooxda Al Ain.

View image on Twitter

View image on Twitter

Kulanka u dhaxeeya kooxaha Manchester City iyo Al Ain wuxuu ka dhici doonaa garoonaka Hazza Bin Zayed Stadium.

Man City waxey tababarka diyaar garowga kulankaas ku bilaabi doonaa Arbacada saacada markey tahay 5:00 Galabnimo Xiliga Geeska Afrika halka ciyaarta ay soo gali doonto 6:00 Maqribnimo Khamiista.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close