Home » Maxaa Cusub » Sawiro: Luis Van Gaal Oo Lagu Soo Dhaweeyey Xarunta Tababarka Manchester United

Sawiro: Luis Van Gaal Oo Lagu Soo Dhaweeyey Xarunta Tababarka Manchester United


article-2694147-1FB007DB00000578-697_964x403

Tababaraha cusub kooxda Manchester United Louis Van Gaal ayaa si rasmi ah u soo gaaray Manchester saacada xiligi England marka ay ahyd 8:40 Am, waxa uuna ku yimid diyaarad qaas u ah.

Tababaraha reer Holland ayaa markii uu soo caga dhigtay waxa uu si toos ah u aaday xarunta tababarka kooxda, isagoo lagu soo wareejin doono dhamaan qolalka ku yaalo xarunta iyo qalabka yaalo waxaana u sii dheer in la bari doono maamulka ka shaqeeyo meeshaas, ka hor intuusan qaabilin ciyaartoyda uu leelin doono.

Manchester United ayaa si rasmi ah Khamiista u soo bandhigi doonto tababaraha Kooxda oo durbaba bilaabay shaqadiisa.

Van gaal ayaa amar ku siiyey dhamaan ciyaartoyda in ay soo gaabiyaan fasaxa ay ku jiraan, waxayna kooxda ciyaari doontaa kulamo saaxiibtinimo ka hor intaysan ciyaarin kulamada Premier League.

Van Gaal ayaa kulankiisa ugu soo horeeyay ee uu ku ciyaaro Old Trafford ka hor imandoona kooxda Valencia dhamaadka kulamada saaxiibtinimo kaas oo dhicidoona 12 bisha Augost,  ka hor inta ayna Man Utd soo dhawn kooxda ay horyaalka ku furandoonaan ee Swansea City.

  

Close