Ashley Cole ayaa ilmeeyay kadib dhamaadkii kulankii Norwich City ee ay kooxdiisa barbaraha la gashay waxaana Blues ay ku ciyaarta gurigeeda kulankii ugu dambeeyay horyaalka taasna waxey muujisay in xidigaan uu kulankiisii ugu dambeeyay ku ciyaaray Stamford Bridge.
Ashley Cole ayaa waqti farxadeed iyo murugo lasoo qaatay Blues isagoo ku sugnaa 8-sano wuxuuna sanadii 2006 kaga soo biiray dhigooda Arsenal ee ay ka wada dhisan yihiin London.
Tababare Jose Mourinho ayaan wax tixgelin ah siini Ashley Cole mudadii uu kula sugnaa Blues, waxaana loo badinayaa in xili ciyaareedkii Ashley Cole ee Chelsea uu soo dhamaaday.
Cole ayaa u mahad celiyay Jamaahiirta kooxda isagoo ilmeeyay isagoo muujinaya jaceylka uu u qabo kooxda iyo Jamaahiirta kooxda.
Ashley ayaa kooxda u saftay in ka badan 200-kulan, wuxuuna kooxda la qaaday Premier League, Champions League, Europa League iyo 4- FA Cup.
Dhanka kale Frank Lampard iyo John Terry oo kaga horeeyay Chelsea isla markaana ah dhiiga ay ku dhaqaaqaan Jamaahiirta ay ayagana ilmeeyay isla markaana dareemay xanuun kadib dhamaadkii kulankii Norwich iyadoo laga cabsi qabo in Blues aysan heshiis kordhin ah siinin labadaan xidig.
Waa suuragal in mustaqbalkii Lampard iyo John Terry uu soo idlaaday waxaana labada xidig ay dalabyo ka heleen kooxo ka dhisan bariga fog ee Asia iyo dalka mareykanka inkastoo loo badinayo in labaduba ay helaan hal sano oo heshiis ah.
Lampard ayaa ah xidiga ugu goolasha badan Chelsea taariikh ahaan, sidoo kalana waa kubad sameeyaha ugu goolasha badan horyaalka ingiriiska.