Inkastoo tartanka horyaalka uu ekaanayo mid ay soo idleyneyso kooxda Liverpool hadana waxaa jira kaftan dhan kale isku rogay oo ka qabsoomay xerada tababarka ee kooxda Liverpool markii ay xidigaha kooxda bilaabeen ciyaar xiiso badan oo ah mida gacanta lagu ciyaaro.
Martin Skrtel ayaana ahaa hogaamiyaha teamka kasoo horjeeda Suarez, inkastoo kafatankii Skrtel uu ka xanaaqay Suarez, hadana labadaan xidig ayaa gacmaha iskula tagay inkastoo wax ficil ah uusan dhicin hadana waxaad moodeysaa iney sheekadu tahay shactaro ay ugu tala galeen marka xidigaha kale ee Liverpool ay qosol ku maslaxeen labada xidig.
Waxaa soo ifeysa farxad Anfield ka maqneed mudo 24-sano ah xiliga ay isqab-qabsiga bilaabayaan waxeyna xusuusan yihiin inuu sugayo kulan culus oo u baahan adeeg ka daran kuwii hore, waxeyna wajahi doonaan tababaraha qamaarka badan ee Jose Mourinho oo marba dhinac u rogaya ciyaarta.