Kabtan Yaya Toure ayaa hogaanka u hayay xulka Ivory Coast ee ku guuleystay koobka qaramada qaarada Afrika ee lagu soo afjaray dalka Equatorial Guinea waxaana si diiran loogu soo dhaweeyay caasimada Adidjan iyadoo kumanaan kun qof ay isugu soo baxeen garoonka xulka qaranka ee ku yaala caasimadda.
Ivory Coast ayaa rubac qarni kadib ku guuleystay tartankaan African Cup of Nation markii ay rigoorayaal 8-9 ku garaaceen Ghana kulan ka dhacay Beta Axadii.
Shacabka dalkaasi ayaa soo xaadiray garoonka, inakstoo ay usoo joogeen laba jeer oo ay lumiyeen xulkooda, balse haatan ay farxad badani ka muqato.
Sidoo kalana madaxweynaha dalkaasi Alassane Ouattara ayaa ka qeyb qaatay dabaal dagga waxaana la arkayay isagoo koobka la haya kabtgan Yaya Toure.
DAAWO SAWIRADA: