Home » Maxaa Cusub » Sawiro: Flamini & Wilshere Oo Dib Ugu Soo Laabtay Tababarka Kooxda Ka Hor Kulanka Man Unied

Sawiro: Flamini & Wilshere Oo Dib Ugu Soo Laabtay Tababarka Kooxda Ka Hor Kulanka Man Unied


Mathieu+Flamini+Jack+Wilshere+Arsenal+Training+5yxUEFQHXhLl

Tababaraha Kooxda Arsenal Arsene Wenger ayaa xaqiijyay iney xerada tababarka ay dib ugu soo laabteen Mathieu Flamini & Jack Wilshere kuwaas oo dhaawacyo ku seegay kulamadii ugu dambeyay ee kooxda ay la ciyaartay Kooxda Borrusia Dortmund & Liverpool.

64-jirkaan maamula Gunners ayaa shaaca ka qaaday in safarka Arsenal ay ku tageyso Old Trafford uu qeyb ka noqon doono Flamini sidoo kalana Jack Wilshere ayaa isna ula safri doona kooxda Magaalada Manchester.

“Flamini & Wilshere tababarka ayey dib ugu soo laabteen diyaar ayeyna u yihiin xifaaltanka adag ee Man United” Ayuu Wenger shirkiisa jaraa’id ee isbuuca ku sheegay maanta.

Sidoo kale Weeraryahanka reer France Olivier Giroud ayaa la filayaa inuu qeyb ka noqdo dagaalka Old Trafford madama uu xidigaan dhaawac dhanka jilibka ah kasoo gaaray kulankii Borrusia Dortmund.

Gunners ayaa wajahi doonta Man United xili ay shan dhibcood ka sareyso kooxaha Chelsea & Liverpool sidoo kalana waxey sideed dhibcood hoos u fiirineysaa Man United.

Wenger ayaa rajeynaya inuu dareemo farxad kale kadib farxadii Signal Iduna Park ee dalka Jarmalka markaas oo ay 1-0 ku garaaceen Wiilasha Dortmund wuxuuna markaa wajahi doonaa Man United oo uu ka maqan yahay Sir Alex Ferguson.

“Waa mid ka mid ah kulamada aan ku dhisi laheyn kalsoonideena” ayuu intaas ku daray, “Dhawaanahaan ma aanan sameyn tijaabo sidaan u adag”

“Waa wax aan caadi aheyn inaan ka hor imaano Man United oo uu ka maqan yahay Ferguson kulanka sabtiga, waa wax dhaw inaan kala cadeyno farqiga u dhaxeeya Fergie iyo Moyes” ayuu yiri Wenger.

[Per] Mertesacker iyo [Laurent] Koscielny ayaa adkeeyay daafaca dambe ee Gunners waxaana usii dheer badbaadada wanaagsan ee wiilka reer Poland Wojeh Szczesny.

1739638653 Arsenal-Training-Session-and-Press-Conference-2475659 Arsenal Training Session and Press Conference


Hal Aragti Ayaa Laga Bixiyay: Sawiro: Flamini & Wilshere Oo Dib Ugu Soo Laabtay Tababarka Kooxda Ka Hor Kulanka Man Unied

  1. Maslax xirsi Reply

    January 31, 2014 at 3:30 PM

    Adbaan uga xumahay maqnaan shaha 3da laacib wxn jeclay inan ka arsado mn umetd kulinkii ay guusha ay ku racday halka gool

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close