Kabtanka Xulka Portugal ayaa ilmeeyay taasoo loo fasirtay inuu qabo dhaawac halis ah oo keeni kara inuu waayo koobka Aduunka markii dhaawac looga saaray tababarkii Portugal [Khamiistii].
Ronaldo ayaa mudooyinkii u dambeeyay la xanuunsanayay dhaawac dhanka jilibka ah taasoo loo aaneeyay iney ka timid nasiino la’aanta heysatay wiilkaan xili ciyaareedkii dhamaaday.
Si Kastaba arinta xiisaha yeelatay ayaa ah in sixirow u dhashay Ghana uu sii shaaciyay in Ronaldo uu u diidi doono koobka Aduunka, inakastoo arintaasna ay meesha ku jiri karto.
Si Kastaba Dhaawaca Ronaldo ayaa loo badinayaa inuu seego kulanka furitaanka Groupka G ay la ciyaari doonan Jarmalka Isniinta soo aadan.