Inkastoo xulalka Kasoo jeeda Qaarada Latin America ay u tahay guushoodii labaad madama Chile ay ka talaabsatay Australia hadana maskaxda ku haay in Mexico aysan kasoo jeedin Latin America ee ay tahay Waqooyiga America.
Chile oo xalay ka maarmi weysay Arturo Vidal ayaa xalay heshay sadex dhibcood oo nadiif ah madama ay 3-1 ku dhaafeen Xulka Australia.
Alexis Sanchez ayaa si nadiif ah uga dhexmuuqday isagoo daah furay bandhiga goolasha ee Chile daqiiqadii 12-aad ayuuna shabaqa dhexdhigay goolkii ugu horeeyay ee Chile ay ka dhaliso koobka Aduunka ee Brazil ka dhacaya.
Jorge Valdivia ayaa hogaanka u dheereeyay Chile markii uu darbo x0ogan ka toogtay meel goolka u jirta dhowr talaabo waana goolkiisii ugu horeeyay ee uu u dhaliyo Chile mudooyinkii lasoo dhaafay daqiiqadii 14-aad ee ciyaarta.
Australia ayaa madaxa sare usoo qaaday markii ay g0ol agoon ah ka heshay Tim Cahill oo ka ciyaara horyaalka Mareykanka waana xidigii hore Everton.
Iyadoo Australia ay raadineyso gool barbardhac ah waxaa hurdo dheer u diray Beausejour oo daqiiqadii ugu dambeysay ciyaarta shabaqa dhexdhigay goolkii sadexaad ee Chile.
Chile ayaa kaalinta labaad ku jirta koobka Aduunka iyadoo ku xigta Holland oo xasuuqday Spain kulankeedii furitaanka.