Macalinkii Hore ee kooxda Manchester United David Moyes ayaa booliska Su’aalo ka weydiinayaan Fal ka dhacay Maqaayad uu Ka cunteenayey oo lagu dhaawacay Hal Nin.
51 Jirkaan ayaa badalay Macalinkii Hore ee Ferguson Laakiin Sagaalkii bilood ee lasoo dhaafay ayuu ku fashilmay shaqadiisa Manchester United Markaas oo xilka laga qaaday.
Maqaayadaan ninka lagu dhaawacay ayaa ah meel khamriga lagu cabo, iyadoo Moyes goobta ku sugnaa markii ay arintani dhacaysay wuxuuna la cuntaynayay nin ay saaxiib ahaayeen maalmihiisii Preston North End.
Qofka la dhaawacay oo da’diisa lagu sheegay 23 sano jir ayaa qiray in madaxiisa xaga dambe wax lagaga dhuftay kadibna wuxuu ku dhacay dhulka isagoo ka jabay garabka. Goobtan ayaa ah meel aad u caan ah waxaana la yidhaa Emporium
Nasiib Wanaag Maanta oo Khamiis ah waxaa Baarkaan Joogay Saraakiisha Booliska, waxaana la sheegay in ninka dhaawaca loo geystay uu dilay nin da’diisu lagu sheegay 51 Jirka, waxaana weli socdo Baaritaanka mana jirto ilaa hadda cid loo xiray, waxaana dadadka su’aalaha la weydiin doono kamid ah Moyes oo meesha dilka ka dhacay joogay.