Xiddiga garabaka ka ciyaara ee dalka Holland ee Robben ayaa qaab ciyaareed il qabad leh soo bandhigay kulankii Bayern Munich 3-1 ku xasuuqday Manchester City, halka weeraryahanka 50 milyan oo ginni ugu fadhiya Chelsea ee Torres dhaawac looga saaray kulankii Blues guusha martida ah kasoo gaartay Steaua Bucharest, isla markaana dhaawacaan ayuu garoomada ku seegi doonaa muddo sedax Isbuuc ah.
Labada ciyaaryahan ayaa kusoo kala guuleystay Champions League labadii xilli ciyaareed ee lasoo dhaafay, isla markaana waxay kasoo muqdeen finalkii Koobkii Aduunka 2010kii, kuna darso labadooduba waxay dhasheen 1984tii, laakiin mid ayaa u muqda inuu wax badan ka weyn yahay midka kale!.
Hadaba waxaan halkaan kusoo koobi doonaa qormo tusaaleheedu sawiran yahay, taasoo kuu muujin doonta 10 ciyaaryahan oo kubada cagta ka ciyaara iskuna da’a ah, laakiin aadan rumeysan doonin inay isku da’a yihiin, marka aad isku cabirto weji ahaan.
Profile