Kubad sameeyaha xulka Spain Santi Cazorla ayaa dareemay in lasoo gaaray dhamaadkii maal mihii quruxda badnaa ee kooxda Arsenal wuxuuna xidigan tayada wanaagsan diyaar u yahay inuu ku biiro naadiga Atletico Madrid, inkastoo xidigan uu tixgalin ka heesto macalin Arsene Wenger hadana Cazorla ayaa saluugsan maamulka Arsenal oo diyaar u ah inay dalabka kooxda Atletico Madrid aqbalaan sidaa darteed xidigan horey ugu cayaari jiray kooxaha Villareal iyo Malaga diyaar ayuu u yahay inuu La Ligaha Spain dib ugu laabto.
Madaama Arsenal ay haatan ku sugan yihiin xidigo badan oo Cazorla ku boos ah sida Mesut Ozil, Jack Wilshere, Aaron Ramsey, Theo Walcott, Alexis Sanchez, Alex Oxlade-Chamberlain, Serge Gnabry iyo Tomas Rosicky hadana xidigan wuxuu si gaar ah dhibane ugu noday Ozil waayo tan iyo markii uu Emirates yimid Ozil xidigan hogaanimada Arsenal waa laga wareegay sidoo kalena booskiisii dhabta ahaa Ozil ayaa la wareegay waxaa intaas usii dheer in Cazorla in xidigan uu si cad u diiday kursiga keydka fariisna doono waayo macalin Wenger ayaa damacsan inuu Sanchez iyo Giroud weerarka ka dhigto midaasna waxay sababi doontaa in Cazorla booskiisa uu lumiyo.
Hadaba xidigan haatan fasaxa ku maqan ayaa diyaar u ah inuu dalabka kooxda Atletico Madrid aqbalo waxayna kooxdan ku qaadan doontaa xidigan waaya araga ah 15-milyan oo pound waana qiimo lacageed oo ay Arsenal horay u dul dhigtay kubad sameeyahan caqliga badan.
Profile