Home » Maxaa Cusub » Sanchez oo Iska Diiday Inuu Liverpool Ku Biiro Sidoo Kalena Uu Heshiiska Suarez Qayb Ka Noqdo, Hadaba Xidigan Muxuu Doonayaa?

Sanchez oo Iska Diiday Inuu Liverpool Ku Biiro Sidoo Kalena Uu Heshiiska Suarez Qayb Ka Noqdo, Hadaba Xidigan Muxuu Doonayaa?


Sachez

Weeraryahanka reer Chile Alexis Sanchez ayaa kooxdiisa Barcelona madax wareer ku riday kadib markii uu diiday inuu qayb ka noqdo heshiiska ay Barcelona ku dooneyso inay Luis Suarez kuso xero galiso, xidiga reer Chile ayaa kooxdiisa u sheegay inuusan xiiso u qabin u hayaamista garoonka Anfield midaasna waxay caqab ku abuuri doontaa qorshaha ay kooxda Barcelona ku dooneyso inay Suarez Liverpool kaga soo iibsato.

Sanchez ayaa sidoo kale si rasmi ah u sheegay inuu jecel yahay ku biiritaanka kooxda Arsenal wuxuuna weeraryankan tayada wanaagsan sheegay in Arsenal ay tahay kooxda kaliya ee uu ku dooran karo Barcelona, Sanchez waxay Barcelona ku qiimeysay £30million sidoo kalena waxay dooneysaa kooxdan £50million oo dheeri ah inay Liverpool ku wareejiso si ay lacagta £380million isugu noqoto madaama Sanchez uu haatan diiday inuu Liverpool ku biiro waxay Barcelona ku qasbanaan doontaa inay marka hore Sanchez ka iibiso kooxda Arsenal kadibna ay si nadiif ah £80million Liverpool ugu wareejiso si ay Luis Suarez kaga hesho daban qorshahan maalmo dheeri ah ayuu qaadan doonaa sidoo kalena heshiiska Suarez uu Camp Nou ku aadi doono isaga dib u dhac ayaa ku imaan doono.


Close