Home » Maxaa Cusub » Samuel Eto’o Oo Xiiseynaya Inuu Dib Ugu Laabto Horyaalka Talyaaniga

Samuel Eto’o Oo Xiiseynaya Inuu Dib Ugu Laabto Horyaalka Talyaaniga


Eto'o

Samuel Eto’o ayaa ku waramay inuu xiiseynayo dib ugu laabashada horyaalka talyaaniga isagoo ku biiraya kooxda As Rom ee ka dhisan caasimada dalyaasi balse waxaa hakin kara arinta isfaham xaga mushaaraadka ah.

Weeraryahankaan reer Cameroon ayaa qeyb ka ahaa wiilashii taariikhda ka dhigay horyaalka talyaaniga sanadii 2010 markas oo Inter Milan ay ku guuleysatay 6-koob oo caalami ah, balse Eto’o ayaa kadib ku biiray kooxda Anzhi ee dalka Russia kadibna wuxuu uso wareegay Chelsea oo uu hal xili ciyaareed ku qaatay.

Sida ay shaacisay Express in kooxaha Arsenal & Everton ay isku heystaan xidigaan balse isagu uu doorbidayo inuu dib ugu laabto kubada talyaaniga.

33-jirkaan ayaa laba sano oo heshiis ah ka doonaya kooxda Roma isagoo isbuucii qaadan doona 60 Kun oo Pound waana qiimo aad u jaban marka loo eego waqtigiisii hore.

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close