Kabtanka Xulka Cameroon Samuel Et’o ayaa wali ku majaajileysanaya arintii fadeexada ku noqotay Jose Mourinho markaas oo macalinka reer Portugal uu shaki galiyay da’da weeraryahanka reer Africa.
33-jirkaan ayaa kadib Premier League mar kale ku celiyay dabaal dagii maajaajilada ahaa oo uu ku muujinayay inuu yahay da’ isla markaana u baahan in la gacan qabto.
Samuel Eto’o ayaa xalay gool ka dhaliyay Xulka Jarmalka kulan saaxiibtinimo oo ay labada xul galeen Barbar 2-2.
Samuel Eto’o ayaa 15-kii May ee sanadkaan yiri: “Waxaan ahay 33-jir, mana ahan inaan ahay waayeel balse waa iney dadku aaminan inaan ka fiicanahay da’yarta qaarkood”
Arintaan ayaa sii kicineysa xaalada dagaal ee ka dhex taagan labada shaqsi xili Samuel Eto’o uu doonayo inuu isagoo cadaw ah wajaho Jose Mourinho madama uu diyaarinayo qorshe uu si xor ah ugu biirayo koox ka dhisan London.