Home » Maxaa Cusub » Samir Nasri Oo Dhimi Doona Mushaarkiisa Si Uu Qandaraaska Ugu Kordhiyo Man City

Samir Nasri Oo Dhimi Doona Mushaarkiisa Si Uu Qandaraaska Ugu Kordhiyo Man City


manchester city, atletico madrid, chelsea, alvaro negredo, spain, samir nasri, arsenal

Kubad sameeyaha kooxda Manchester City iyo xulka France Samir Nasri ayaa diyaar u ah inuu dhimo mushaarkiisa inta u dhaxeysa 20,000 ama 40,000 si uu heshiis cusub ugu saxiixo kooxdiisa.

Xidigii hore Arsenal ayaa haatan ka qaata kooxda Gunners 160,000 isagoo ka mid ah xidigaha meel dhexaadka ah ee ka xamaasha horyaalka Premier League balse hadii uu aqbalo mushaar dhimistaan waxaa suuragal ah inuu tago 120,000 ama 140,000 midkood madama kooxda ay ku dhacday qaabka dhaqaale wanaagsa ee UEFA.

27-jirkaan kooxdaan kusoo biiray 2011 ayaa doonaya inuu saxiixo heshiis mudo dheer ah oo uu kooxda Etihad ka dhisan kusii joogayo ilaa 2018.

Dhanka kale mushaar dhimistaan waxey sameyn doontaa weeraryahanka reer Argentina Sergio Kun Aguero kaas oo xulkiisa kala qeyb qaadnaya koobka Aduunka.

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website

Close