Home » Africa » Sami Khedira Walaalkiis Rani Khedira Oo Iska Diiday Inuu Xulka Tunisia U Cayaaro

Sami Khedira Walaalkiis Rani Khedira Oo Iska Diiday Inuu Xulka Tunisia U Cayaaro


Xiriira kubada dalka Tunisia ayaa shaaca ka qaadeen inay ku guul dareesteen sidii ay Rani Khedira kaga dhaadhacsiin lahaayeen inuu xirto maaliyada xulka Tunisia.

Wiilkan dhalinta yar waxay walaalo yihiin Sami Khedira oo khadka dhexe kaga cayaaro xulka Jarmalka iyo kooxda Real Madrid waxayna xiriirka Tunisia aaminsanaayeen in Rani Khedira uu codsigooda aqabali doono.

Sami iyo Rani labad asal ahaan waxay kasoo jeedaan dalka Tunisia balse waxay ku dhasheen dalka Jarmalka oo ay kusoo bar baareen.

Sami and Rani

Sidaa darteed Rani Khedir oo haatan 20-jir ah sidoo kalena hormar wanaagsan sameynayo ayay xiriirka Tunisia damceen inay maaliyada xulkan u xiraan, waxaana arinkan ka hadlay afhayeenka xiriirka kubada cagta Tunisia Mr. Nabil El Daboussi.

“Waxaan u dirnay fariin Rani oo heesto dhalasho Jarmal iyo Tunisian ah balse codsigeenii wuu naga diiday wuxuuna nagu wargaliyay inuu sugaayo u cayaarista xulka Jarmalka sidoo kalena uusan rabin inuu Tunisia u safto”

Rani ayaa maray wadadii uu maray walaalkiis ka weyn Sami Khedira oo hada ka hor iska diiday inuu xulka Tunisia u cayaaro wuxuuna ka doortay inuu Jarmalka matalo madaama labadan xidig aabahooda yahay Tunisian halka hooyadooda ay tahay Jarmal waxay wada doorteen inay Jarmalka matalaan.

Rani wuxuu kusoo bar baaray naadiga Stuttgart oo sidoo kale siisay fursadii ugu horeesay oo uu Bundesligaha kaga soo muuqday balse haatan naadiga RB Leipzig oo heerka labaad ee horyaalka Jarmalka cayaarto ayuu ka tirsan yahay.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>