Xidiga reer Jarmal waxay kooxdiisa Real Madrid ku wargalisay inaan looga baahneyn garoonka Bernabue waxaana Sami Khedira laga reebay liiska xidigaha Real Madrid habeen dambe kala shirtagi doonto naadiga Atletico Madrid lugta labaad ee Super Cup-ka Spain waxaana fursad weyn loo siiyay inuu ku biiri karo kooxda Arsenal oo dhawaanahan ku raad joogtay.
27-jirkan sidoo kale waxaa lala xariirinaa kooxaha Chelsea iyo Bayern Munich balse waxaa la sheegay in wakiilkisa uu haatan wada hadalo kula jiro naadiga Arsenal waxaana loo badinaa inuu garoonka Emirates usoo dhaqaaqi doono sidoo kale Arsenal waxay siin doontaa xidigan mushaarkii uu rabay hadalka Real Madrid dhankeeda iyadana hoos u dhigtay qiimaha ay Khedira ku dooneesay waayo xidigan qandaraaskiisa waxaa ka harsan mudo 12-bilood oo qura sidaa darteed Arsenal hadii ay la timaado wax ka yar 20-milyan oo euro ah si toos ah ayay Khedira ula wareegi doonta waxayna Arsenal ku qasban tahay inay saxiixa xidigan dadajis madaaama Mikel Arteta ka dhaawacmay sidoo kalena Arsenal kulamo adag usoo fool leeyihiin.
Profile