Home » Horyaalada » La liga » Sami Khedira Hadii Aysan Madrid U Baahneyn Waxaa Saxiixiisa Isku Heestaan 4-naadi Ee Premiership-ka Ugu Awooda Badan!

Sami Khedira Hadii Aysan Madrid U Baahneyn Waxaa Saxiixiisa Isku Heestaan 4-naadi Ee Premiership-ka Ugu Awooda Badan!


Sami-Khedira

Kadib markii wargesyada dalka Spain ay shaaca ka qaadeen in xidiga xulka Jarmalk Sami Khedira ay kooxdiisa Real Madrid iska iibin doonto xagaagan waxaa durbadiiba lasoo xariireen kooxaha ugu caansan qaarada Yurub gaara ahaan naadiyada Premiership-ka ugu awooda badan sida Man United, Chelsea, Arsenal iyo Liverpool ayaa siyaabo kala duwan wakiilkiisa ula soo xariireen waxayna koox walbo diyaar la tahay inay bixiso £24m oo ah qiimaha Real Madrid xidigan tayada wanaagsan dul dhigtay, Khedira ayaa diiday inuu qandaraas cusub u saxiixo kooxdiisa Real Madrid kadib markii uu balan qaad boos joogto ah uu ka waayay macalin Caro Ancelotti sidaa darteed Madrid ayaa go’aansatay inay xagaagan iska iibiso.

27-jirkan horey ugu cayaari jiray naadiga Stuttgart ayaa ku faraxsan xiriirka ay lasoo sameeyeen kooxaha EPL ugu awooda roon wuxuuna si gaar ag Khedira u xiiseenaa inuu dib ula midoobo macalin Jose Mourinho oo ay mudo 3-sano ah Real Madrid wada joogeen, balse wargeska Marca ayaa sheegay in kooxda Man United ay kubad bur buriyahan ahmiyad gaar ah siin doonto saxiiixiisa madaama kooxdan ay baahi u qabto xidig khadka dhexe ku wanaagsan kaasi oo leh waaya aragnimo ku filan, inkastoo 4-naadi ee ugu caansan Premiership-ka muujiyeen inay xiiso u qabaan saxiixa Khedira hadana xidigan ayaa la sheegay inuusan go’aan ka gaari doonin mustaqbalkiisa cayaareed ilaa uu koobka aduunka kasoo idlaanayo madaama uu xulkiisa Jarmalka kala qayb qaadanaayo.

Close