Barcelona ayaa heshay war labaad oo farxad leh kadib markii loo sheegay Tata Martino inuu heli karo kulanka Atletico Madrid Sadex xidig oo muhiim u ah kooxda isla markaana u sahli kara iney difaacdaan horyaalka.
Tababare Gerardo Martino ayaa dhagta loogu sheegay iney caafimaad qabaan Gerard Pique, Neymar JR & Jordi Alba kuwaas oo dhaawacyo kaga maqnaa kooxda mudooyinkii lasoo dhaafay.
Barca ayaa Sabtida soo dhaweyn doonta kooxda Atletico Madrid oo ah hogaamiyaha horyaalka Spain, balse Barca ayaa fursad u heysata iney difaacato madama ay u baahan tahay guul ay ka gaarto wiilasha Diego Simeone.
Daafacyada Pique iyo Alba ayaa muhiim u ah kooxda sidoo kalana weeraryahanka reer Brazil Neymar JR ayaa isna soo kabsaday madama uu dhaawac la kulmay Finalkii Copa Del Rey ee ay Real Madrid qaaday.
Si Kastaba kooxda Barcelona oo aan guul gaarin shan kulan oo ay wajahday xili ciyaareedkaan Atletico Madrid ayaa rajeyneysa iney ka hesho guusheedii ugu horeysay taasoo u sahleysa iney difaacato koobka.