Home » Maxaa Cusub » Sadex Tababare Oo Loo Maleynayo Iney Loo Magacaabo Macalinka Cusub Ee Tottenham Hotspur

Sadex Tababare Oo Loo Maleynayo Iney Loo Magacaabo Macalinka Cusub Ee Tottenham Hotspur


Three Spurs

Tottenham ayaa durbaba sameyneysa iney si dhaqso ah ku keento badalka tababaraha ay shaqada ka ceyrisay maanta Tim Sherwood kaas oo haayay xilka Kooxda Mudo Lix Bilood ah.

Halyeeygii hore Xulka Holland Frank De Boer kaas oo haatan tababare u ah kooxda Ajax Amsterdam ayaa ugu cad-cad inuu noqdo tababaraha joogtada ah ee kooxda.

Sidoo kale Macalinkii hore Kooxda Chelsea & Liverpool Rafael Benitez kaas oo haatan macalin ah Napoli ayaa ku jira liiska macalimiinta loo maleynayo iney qabtaan xilka tababaranimo ee kooxda Tottenham Hotspur.

Macalinkii hore Kooxda Southampton kaas oo haatan shaqo la’aan ah ayaa ka mid ah liiskaas, waxaana laga yaabaa in ka hor koobka Aduunka lagu dhawaaqo macalinka cusub ee kooxda ka dhisan waqooyiga Magaalada London.

Tottenham ayaa noqotay koox iska ceyrisa tababarayaasha madama ay hal xili ciyaareed ceyrisay laba tababare AVB ayey ceyriyeen bartamihii xili ciyaareedkaan halka sidoo kale ay maanta ceyriyeen tababarihii usoo saaray Europa League Tim Sherwood.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close