Home » Horyaalada » Bundesliga » Sadaal laga bixiyay koobka horyaalada Yurub hadaba waa kuma naadiga tartankan qiimaha…

Sadaal laga bixiyay koobka horyaalada Yurub hadaba waa kuma naadiga tartankan qiimaha…


Set-of-33-pcs-Metal-Pins-Badges-of-2012-2013-Europe-Champions-League-font-b-Soccer

Kadib markii si rasmi ah loo sameeyay isku aadka koobka horyaalada Yurub sidoo kalena haatan koox walbo ay ka warqabto naadiyada ay is haleeli doonaan qaybta guruubyada waxaa sadaalin qoto dheer laga bixiyay tartanka ugu qiimaha qaarada Yurub inkastoo xili cayaareedka uu bilaw yahay sidoo kalena ay wado dheer sugeyso dhamaan 32-naadi ee tartankan ka qayb qaadan doonaan hadana ragga falanqeeyaan Champion-ka ayaa aragtidooda isku aruuriyeen waxayna carabka ku dhufteen kooxaha ay aaminsan yihiin in xili cayaareedka 2013/14 ay la caraabi karaan koobka horyaalada Yurub.

Naadiga Real Madrid mudo ka badan 10-sano ma aysan qaadin Champion-ka sidoo kalena kooxdan xagaagan lacagtii ugu badneyd ayay suuqa Yurub ku qarash gareesay waxayna Bale kusoo iibsatay lacagtii ugu badneyd ee ebid cayaaryahan lagu soo gato sidoo kale Mr. Carlo Ancelotti oo tartankan labo dheer ku guuleestay ayay hogaamiye ka dhigteyn, sidoo kale Bayern Munich iyadana sanadkii hore tartankan koobka gacanta ku dhigtay halka Pep Guardiola oo qabiir ku ah tartan shaqaaleysiiyeen, dhanka Barcelona iyadana Neymar iyo Messi ayay lasoo shirtagi doontaa sidaa darteed tartankan xiiso gaar ah ayuu sanadkan yeelan doonaa hadaba qaabkan hoos ku qoran ayaa koobkan sadaalinta looga bixiyay:

Bayern Munich rajada ay ku qaadi karto 80%

Barcelona rajada ay ku qaadi karto 75%

Real Madrid rajada ay ku qaadi karto 60%

Chelsea rajada ay ku qaadi karto 55%

ManCity rajada ay ku qaadi karto 50%

Man United rajada ay ku qaadi karto 45%

Juventus rajada ay ku qaadi karto 40%

B. Dortmund rajada ay ku qaadi karto 40%

Arsenal rajada ay ku qaadi karto 35%

PSG rajada ay ku qaadi karto 30%

 


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close