Suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ayaa waxaa ka harsan 13 maalmood, isla markaana waxaan halkaan idinkugu soo turjunay wararkii ay maanta ka qoreen wargeysyada Yurub.
Wararkaan xuquuqdooda waxaa isa leh cida ku hor qoran ma yeelan doonon xuquqda wararkaan iyo wax walba oo ka yimaada,
England – Premier League
David Moyes ayaa ku adkeysanaya inaysan Manchester United iibin doonin 28 jirka weerarka uga ciyaara Wayne Rooney oo lala xiriirinaayey Chelsea ka dib markii tababaraha Blues Jose Mourinho uu aqbalay inuu ku guul darreystay raacdadii uu ugu jiray xiddiga heerka caalami ee dalka England. (Daily Mirror).
Fursadihii ay United u heysatay saxiixa daafaca Real Madrid Fabio Coentrao, oo 25 jir ah, ayaa soo korodhay iyadoo wararka kasoo baxaya La Liga ay sheegayaan inay Los Blancos xiiso u qabto daafaca Sevilla Alberto Moreno, oo 21 jir ah. (Talksport).
Manchester City ayaa kooxda ay ku xafiiltamaan halka magaalo ee United kula tartami doonta saxiixa 18 jirka kooxda Sheffield United Diego De Girolamo, iyadoo Liverpool iyo Everton ay sidoo kale qiimeynayaan inay wakiiladooda wax usoo indha-indheeya u diraan weeraryahanka ku dhashay Chesterfield. (Daily Mail).
Liverpool ayaa sugi doonta ilaa xagaaga si ay ula soo saxiixato 22 jirka weerarka uga ciyaara Barcelona Cristian Tello ka dib markii uu weeraryahanka reer Spain daaha ka qaaday inuu doonayo inuu sii joogo Camp Nou ilaa dhamaadka xilli ciyaareedkaan. (Metro).
Reds ayaa sidoo kale ka fikireysa inay lasoo wareegto 26 jirka qadka dhexe ee kooxda Lazio Antonio Candreva. (Daily Express).
Everton ayaa laga yaabaa inay West Ham ku garaacdo heshiis amaah ah oo ay kula soo saxiixaneyso weeraryahanka AS Monaco Lacina Traore. Hammers ayaa hubisay saxiixa 23 jirkaan inkastoo aan heshiiska weli si rasmi ah dukumiintiyada loogu saxiixin. (Daily Mail).
Arsenal ayaa indhaha ku heysa weeraryahanka dhalinta yar ee kooxda Barcelona Munir El Haddadi, oo 18 jir ah, Paris St-Germain iyo Bayern Munich ayaana sidoo kale xiiso u qaba. (Metro).
Tababaraha Arsenal Arsene Wenger ayaa ka dhawaajiyey inuu heshiis cusub u saxiixi doono kooxdiisa. Iyadoo qandaraaskiisa haatan uu dhacayo dhamaadka xilli ciyaareedkaan. (Daily Telegraph).
Italy – Serie A
Wararka ayaa soo jeedinaya inay Juventus aysan keliya xiiso u qabin inay Nani kala soo wareegto Manchester United, laakiin waxay sidoo kale dooneysaa Patrice Evra, kaas oo qandaraaskiisa Red Devils uu dhacayo bisha June. (Tuttosport).
Southampton ayaa diiday dalab ay Inter Milan usoo dirtay weeraryahankeeda Dani Osvaldo kooxda reer England ayaa qorsheyneyn inay iska iibiso xubnaha ugu muhimsan inta lagu jiro January. (Daily Mirror).
Wakiilka weeraryahanka kooxda Juventus ee Alessandro Lucci ayaa Arsenal la kulmay si uu ugala hadlo macquul ahaanshiyaha heshiis uu Mirko Vucinic ku imaan karo Gunners. Heshiis amaah ah ayaa meesha laga saaray, laakiin kooxda ka dhisan London ayaa miisaameysa inay xiddiga kula soo wareegto heshiis joogto ah. (Sky Sport Italia).
Warar xan ah ayaa soo jeedinayey inuu daafaca dambeedka bidix ee dalka Colombia kusii jeedo Juventus, laakiin wakiilkiiisa ayaa beeniyey inuu Armero ka tegayo Napoli, iyadoo Rafa Benitez uu doonayo inuu ceshto 23 jirkaan. (Tuttomercatweb.com).
Juventus ayaa weeraryahanka kooxda Real Madrid Alvaro Morata u aragta mid ku haboon qorsheheeda weerarka ee mustaqbalka fog. (Tuttosport).
AC Milan ayaa isha ku heysa inay kooxdeeda ku xoojiso xiddiga qadka dhexe ee kooxda PSV Adam Maher iyadoo dooneysa inay dhiig cusub kusoo darto kooxdeeda ka hor qeybta labaad ee xilli ciyaareedka. (Tuttosport).
AS Roma ayaa isha ku heysa inay iska dhisto booska kubad abuuraha iyadoo dooneysa inay lasoo wareegto kubad sameeyaha Southampton Gaston Ramirez. (Gazzetta dello Sport).
Juventus ayaan iska dhiibin inay lasoo wareegto garabka Manchester United Nani xilli uu milicsanayo inuu ka huleelo Old Trafford. (Tuttosport).
Goolhayaha Newcastle United Tim Krul ayaa weli bartilmaameed u ah AC Milan inkastoo uu kooxda ka teggay tababare Massimiliano Allegri. (Newcastle Evening Chronicle).
Spain – La Liga
Real Madrid ayaa xiiso u qabta daafaca dambeedka bidix ee kooxda Sevilla Alberto Moreno iyadoo isku diyaarineysa inay iska iibiso Fabio Coentrao. (AS).
Tabbaaraha Chelsea Jose Mourinho ayaa ayaa doonaya inuu weeraryahanka Atletico Madrid Diego Costa to xagaaga keeno garoonka Stamford Bridge. (Daily Star).
Germany – Bundesliga
Manchester United ayaa kalsooni ku qabta inay hubin karto saxiixa Ilkay Gundogan isla markaana uu xagaaga kasoo tegi doono Borussia Dortmund isagoo imaanaya Old Trafford. (Daily Mail).
Tababaraha Bayern Munich Pep Guardiola ayaa isha ku haya inuu daafaca dambeedka dhexe ee kooxda Barcelona Gerard Pique kusoo darsado kooxdiisa Bavarians. (Bild).
Dunida Kale
Kubad sameeyaha Montpellier Remy Cabella ayaa muhimaada ugu weyn u ah kooxda Newcastle United oo dooneysa inay lasoo wareegto bishaan Janaayo. (Eurosport).
Manchester City ayaa la sheegayaa inay xiiso u qabto saxiixa 21 jirka goolhayaha u ah kooxda Estudiantes Geronimo Rulli bisha June. (TyC Sports).
Tottenham ayaa dooneysa inay heshiis amaah ah kula soo wareegto weeraryahanka Shakhtar Donetsk Bernard kaas oo ay rabto inay ku heysato White Hart Lane inta ka dhiman xilli ciyaareedkaan. (Metro).
Waxaa Aqrisay: (379)
Mogadishu - Somalia