Halyeeygii hore kooxaha Manchester United, PSV iyo Real Madrid iyo sidoo kale xulka Holland Ruud Van Nistelrooy ayaa waji cusub kaga soo muuqan doona xulka Holland madama uu caawiye u noqon doono tababaraha xiga ee xulka Holland Guus Hiddink kaas oo xilka xulkaan qaban doona marka uu dhamaado koobka Aduunka.
Xiriirka Dalka Holland ayaa goor sii horeysay oo bisha April ah magacaabay Guus Hiddink inuu noqon doono macalinka qaban doona xilka Xulka Holland madama Tababare Louis Van Gaal uu shaaciyay inuu ka tagi doono xulka Holland kadib koobka Aduunka.
Ruud Van Nistelrooy ayaa la hadlay website-ka ay sida gaarka u leeyihiin Xiriirka Qaarada Yurub (UEFA) isagoo wicitaan layaab leh ku tilmaamay magacaabista arinkaan.
Nistelrooy ayaa 70-kulan u saftay xulka Holland intii u dhaxeysay 1998-dii ilaa 2011, si kastaba Nistelrooy ayaa wicitaan ka helay tababaraha xil sugaha ah ee Guus Hiddink.
“Waxey aheyd wicitaan layaab leh” Ayuu Nistelrooy yiri isagoo la hadlayay Uefa.com, “Ma rajeyneynin inaan qaadi doono talaabdaas, marka ay shaqo ceynkaan oo kale ah kuu timaado waa fursad dahabi ah, la shaqeynta Hiddink waa kororsi dheeraad ah oo xaga qibrada ah, aniga ahaan waa bilawgeygii tababaranimo waana wax cajiib ah”
Kadib Koobka Aduunka Xulka Holland ayaa ciyaari doona kulamo isreeb-reeb ah oo loogu tartamayo tartanka Euro ee 2016-ka lagu qaban doono dalka Faransiiska.
Holland ayaa hogaanka u heysa Group A oo ay kula jiraan xulalka:
Czech Republic, Turkey, Latvia, Iceland iyo Kazakhstan, sidoo kale Ruud Van Nistelrooy ayaa sheegay inuusan wax walwal ah ka qabin in France ay ku group noqdaan koobka Euro 2016.