Home » Maxaa Cusub » Ross Barkley Oo Albaabka Ka Xirtay Liverpool Hamina Galiyay Kooxda Manchester United

Ross Barkley Oo Albaabka Ka Xirtay Liverpool Hamina Galiyay Kooxda Manchester United


Norwich City v Everton - Premier League

Wiilka dhalinta yar ee kubada cagta mustaqbalka wanaagsan ku leh Ross Barkley ayaa iska fogeeyay inuu Liverpool ku biiri doono wuxuuna sheegay in sida caadada ah cayaaryahan Everton ka tirsan uusan Liverpool ku biirin sidaa darteed xidigan tayada wanaagsan ayaa sheegay inuusan waligiis ku biiri doonin kooxda Liverpool.

20-jirkan lagu qiimeeyo £38million ayaa yiri “waa macquul inaan mar un Everton ka tago balse ha iga filaan inaan Anfield u dhaqaaqo mana ahan wax dhici doono ulama jeedi in Liverpool ay tahay koox liidato balse sida lagu yaqaan cayaartooyda Everton marnaba Liverpool kuma biiraan!”

Inkastoo Barkley uu diiday inuu Liverpool u dhaqaaqo una badalo Steven Gerard hadana xidigan khadka dhexe ku wanaagsan ayaa sheegay inuu ka faa’iideesan doono hadii ay soo marto fursad uu kooxda Man United kaga mid noqon karo wuxuuna yiri “Man United waa koox aan jeclahay hadii ay isoo dalbadaan waan ka jawaabi doonaa sidoo kalena taageerayaasha Everton ma diidin doonaan inaan Old Trafford u dhaqaaqo”

Inkastoo Barkley hadalkiisa laga dareemi karo inuu doonayo bixitaan hadana macalinka kooxda Everton Roberto Martinez ayaa sheegay inuu xidigan baaqi kusii ahaan doono garoonka Godisan Park madaama qandaraaskiisa ku egyahay sanada 2016.

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website


Close