Home » Maxaa Cusub » Rooney Oo Garoomada Ka Maqnaan Doono Inta ka Harsan Horyaalka Iyo Van Persie Oo La Xaqiijiyey inuu Safan Doono Kulanka Beri

Rooney Oo Garoomada Ka Maqnaan Doono Inta ka Harsan Horyaalka Iyo Van Persie Oo La Xaqiijiyey inuu Safan Doono Kulanka Beri


Macalinka Kumeel gaaarka ah ee Kooxda Manchester United Ryan Giggs ayaa xaqiijiyey in Wayne Rooney uu la il daran yahay xanuun  Xagga Gumarka ah iyo Calool Xanuun Daran Taasoo diideysa inuu ka qeyb qaato seddexda kulan ee ka harsan Horyaalka Ingiriiska.

Rooney ayaa ka tagey tababrka goor hore ee Khamiistii isla markiina waxaa la geeyey Isbitaalka Kooxda waxaana la saaray Scan si loo ogaado inta uu gaarsiisan yahay xanuunkiisa waxaana ugu dambeyntii la xaqiijiyey in caloosha ay fadhiso uuna seegi doono inta ka harsan Horyaalka. 28 Jirkaan ayaa Fasax Nasasho ku qaadan doono Dalka Masar si uu usoo hawo badasho.

Leading man: Wayne Rooney is Man United's top goalscorer this season with 17 Premier League goals

Weyn Rooney ayaa ah  Xiddigga ugu goolasha badan Xilli Cayareedkaan Kooxda Manchester Maadaama uu ilaa hadda dhaliyey 17 Gool oo Horyaalka Premear League ah.

The New Era: Rooney scored twice in the 4-0 win against Norwich City at the weekend

Popping for a trim: Rooney was photographed outside a barbershop on Wednesday afternoon

Waa Rooney oo isku sawirayo Irridda Hore ee Dukaan lagu iibiyo Qalabka Tima Jarka galabtii Arbacada

Dhanka Kale Macalinka ayaa xaqiijiyey in Robben Van Persie Dib ugu soo laabtay kooxda kadib Lix Asbuuc oo uu garoomada ka maqnaan markii uu dhaawac kasoo gaaray kulankii ay manchester United Uga soo gudubay kooxda Olympiacos  19 March  Isago sabab u ahaa guushaas, waxaana jilibka kasoo gaaray Dhaawac.

Macalin Giggs ayaa yiri sidan: ” Rooney jiro iyo Calool xanuun darteed ayuu u maqnaan doonaa Kulamada ka dhiman Horyaalka, laakiin waxaa farxad ah in Roban Van Persie dib ugu soo laabtay  Kooxda Isagoo diyaar u ah inuu ka qeyb qaato kulanka aan la yeelan doono kooxda Sunderland”

Boost: Robin van Persie is close to making a return for United after six weeks out injured

” Xaaladda Van Persie way Wanaagsan tahay haddii ay sidaan sii ahaatana wuu safan doonaa Kulanka kooxda Sunderand aan Sabtida Beri ah la yeelan doono” ayuu hadalkiisa kusoo idleeyey Macalinka Kooxda manchester.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close