Home » Maxaa Cusub » Ronaldo: Waan Ogaa Awalba In Portugal Aysan Awoodin Inay Qaado Koobka Adduunka!!!

Ronaldo: Waan Ogaa Awalba In Portugal Aysan Awoodin Inay Qaado Koobka Adduunka!!!


427556_heroa

Weeraryahanka Xulka Portugal kana mid ah xidigaha ugu fiican adduunka ayaa caddeeyey inuusan waligiis ku fakarin in Portugal ay qaadi karto koobka adduunka.

Portugal ayaa weli heysato Jaanis Ciriir ah oo ay ugu soo bixi karto wareegga 16-ka, Laakiin xataa haddii Portugal ay kulankooda ugu dambeeya Guruubada ay garaacaan Ghana waxay rajadooda ku xirnaan doontaa Kulanka Germany Vs USA, Haddii uu Badiyo Mareykanka waxaa koobka adduunka laga tirtiri doonaa Portugal, Rajadaasna waxay ku xirnaan doontaa In Portugal uu goolal badan la imaado ama USA Goolal badan laga dhaliyo.

Sidaas darteed waxaa arrintaan ka hadlay Kabtankooda CR7 wuxuuna yiri: ” Awoodaan dhex dhexaadka ah ee Portugal kuma filnaan doonto inay qaadaan koob adduun anigana waligey midaas kuma fakarin”

” Waxaa nagu dhacay dhaawacyo iyo Ganaax Xataa waan awoodi weynay inaan meel fiican ka gaarno koobka adduunka ee Brazil, waxaa naga dhaawacmay “Coentrao. ” waxaa nagala ganaaxay :Pepe” waana mida naga dhigtay inaan noqono Xul awood yar oo aan iska celin karin facoof”.

29 Jirkaan ayaan taam u noqon kulamada xulkiisa uu cayaaray sababatoo ah wuxuu la daala dhacaayey dhaawac xagga jilibka ah oo u diiday inuu sifiican u cayaaro”.

” Ma Doonayo Inaan Marmarsiiyo ka dhigto dhaawaca jirkeyga soo gaaray oo saxaafada ay hadal hayaan taasina waxay la mid tahay “Biyo Buundo Hoos Marayo”. Ayuu yiri Ronaldo.

” Waan Joogaa, Waan Dagaalamayaa,  Waxaan isku dayayaa inaan muujiyo karaankeyga, Mana ahan in Dhaawaca jirkeyga laga hadlo”

” Maalin Kasta Waxaan jaraa;idyada ku arkaa iyagoo ka hadlaayo dhaawac jilibkeyga, waana sababta aan marmarsiiyo uga dhigan karin, waxaan halkaan u joogaa inaan xulkeyga qaranka Caawiyo”. ayuu hadalkiis kusoo idleeyey.

 

Close